SANAAG WAA GOBOLKII BILICDA DALKA:




Gobolka Sanaag waa gobolka ugu baaxadda wayn dhul ahaan uguna khayraadka badan gobolada Jamhuuriyadda Somaliland.

waa gobol ka kooban inta uu ka koobanyahay dhulku , Buuro sidaa Daalo, Surad ,Banaan sida Bancadde iyo karammaan, Dooxoyin, Durdurro aan gudhin sida gadmo biyo cas, sidoo kale waxay leedahay khayraaad aan laga helin deegaanada kale oo ah Geedka beeyada, iyo Geedka dhamasta ee laga sameeyo looxa guryaha lagu dhisto, intaa waxa uu dheer dhul ballaadhan oo ku fiican wax beerida oo ka soo baxdo khudrad , kaabbajka, baradhada, muuska, iyo dhamaan noocyda dalaga beeraha.
Sidoo kale waxu can ku yahay dhaqashada xoolaha ,geela, adhiga siiba idaha, lo'da iyo fardaha.

Sanaag waxay ka koobantahay 9degmo oo waawayn oo kala ah, Ceerigaabo, Badhan, Ceel afwayn , Gar_adag, Dhahar, Hadaaftimo, Laasqoray, Xiis ,Maydh.
bulshada sanaag waa bulsho ay saamaysay baaxaadda dhulka waxna ku yar is dhex galka isu baahnanta sababto ah dadbadni waa rer buureed oo waligood uma soo dagaan banaanka gu' iyo jilaal midna. qaar kale waxay dagaan bananka waawayn oo ma dagaan buuraha sidaa darted qolona qolo uma baahato.
dhinac kale Sanaag waa gobol dalxiiska aad ugu fiican oo goobo loo tamashle tago sida Daallo, godmo biyo cas iyo goobo kale oo farabadan lkn nasiib darro ma haystaan wadooyin wanaagsan oo loo maro taaso adkaysay in dadbadani booqdaan oo dhaqaale ka soo galo dalka sida Laasgeel oo kale.

Arimahas aan soo sheegnay oo dhan ayaa keenay in Sanaag noqdo gobol lagu hardamo dhulkiisa iyo khayraadkisa sidii dhul yar oo aan cid ku fillayn oo laysku riix riixayo.taaso dhalisay khilaaf joogta ee dhexmara dadka wada Dagan gobolka oo qolo kasta rabto inay noqoto leh supper powerka gobolka waxna laga wadiiyo.

Hadii bulshada sanaag heli lahayd maalgalin dhaqaale iyo mid aqooneed oo ay kaga faaidaysto khayraadka ilahay kku mannaystay waxa hubaal ah in ay yaraanlahyd muranada coolaadaha joogtada noqday, sidookalena uu xoog badnaan lahaa maamulka dawladeed ee gobolka waxay ka soo xeroonlaha cashuur badan.

Hadaba muhiimadda iyo khayraadka gobolka sanaag maaha mid lagu soo koobi karo qoraal kooban balse Abwaankii waynaa ee reer Sanaag Xaaji Aaden Axmed Afqallooc ayaa ku so koobay tix gabay ah oo yidhi:

Taariikhdu waynoo musbaax maanka caawima’ e
Adoo mala gudaayaad yaqiin marar ku gaadhaaye
Maankaaga waa inaad taqaan meelba waxa yaalle
Dalkan waxa ugu mudan Ceerigaab uguna muq dheere
Waa maakhir-koostii la degey mar aan la koobayne
Jamhuuriyaddu meel shaabahdiyo ma leh mataalkeede
Madxafkii dadkii hore dhigiyo madhaxi baa yaale
Maanlahiyo taalloyinkaad aqallo moodaysid
Meelihii kinsiga lagu qarshey maangaddood tahaye
Muuqooda qaar baa ahraam lagu maleeeyaaye
Arraweelo meeshay degtiyo mulugga Ceel-wayte
Iyo waxa manaasiir ku jira moodkii la halleeyey.
Madigaan qusuurtay dhisteen waa macruuf weliye
Maquure iyo godqoraan ninkii marayba yaabaye
Maageere waataa daryale maagga la arkaaye
Nimankii mar dhexe talinjireye maylinka afaystay
Magaadle iyo reer miisanleey midhadh ka joogaane
Maydh laba kun oo sano ka badan maray samaysnayde
Iyadaa magaalo u ahayd maakhir oo idil e
Muftaaxii karaamada kuwii midigta loo saaray
Muftigii isxaaq baa degiyo mudankii daaroode
Maqbarka Ciise Ceeleeye waa kaa masaarka lehe
Sheek Samirre marinkii Dibgax buu meel u leeyahe
Madoobiyo Garruuraa lahaa madaxa Ceel –dheere
Jiidali Maqaamki Subeer baa u moosin ahe
Dhammaan meeshaney degi jireen magaca Soomaale
Waxna waa madheen qaarna waa kii muhaajiraye
In yaroo markii soo hadhay baa haatan maamula e
Mandartiyo kamaalkaad Lubnaan ugu malaysaaye
Manaakh iyo hawoba waxay ka tahay Mawsilta Ciraaqe
Kolkaad madaxa surudeed tagtiyo meesha ugu taagan
Badda waxa maraayoo dhanbaa kuu muraayadahe
Sayid Maxamed meeshuu dhisaan maabku doorasamine
Madfaca laga ridaa wuxu socdaa kuman masaafoode
Melaterigu meeluu degoo muhima weeyaane
Muntasah Marso iyo Daalo waa lagu murqaamaaye
Mayay baa ka da’ a goortay tahay milayga jiilaale
Daruurtoo mijaha soo rogtiyo wadayda mayl gaadha
Sida mawjaddiyo doonyahay marar is jiidhaane
Dhirtaa qaarba midab leeyihiyo man iyo awraaqe
Mawareed in lagu daadiyaad midabka moodaaye
Min aroos sidaad soo gashiyo mawlidkii Nebiga (cs)
Miski baa ka ura kaymihiyo malafka geedaha’ e
Shimbiraha mukhtalifka u ciya ee midiba hees qaado
Oo midabka kala gooniyoo cadad malyuun gaadha
Mawdiyo siyaaxaad ardiyo macallin moodaaye
Qoolley ku madadaalisiyo muurradaa badane
Goortuu gobyahan waa murdiye gooni miranaayo
Oo uu gumburi sawd macaan meel fog kala yeedho
Oo marisku kuu soo warramo meesha waxa jooga
Ood raha maddixiisa iyo maqasho daa’uuska
Oo gorod muyuusigga tumuu galow ku maaweesho
Adigiyo naftaada murmaan doonin meel kale’e
Intay mudunka kale dheertaheye Maalik ku abuuray
Oo wada manaafiic dawo ah baa markhaatiya’e
Dayib mudhay mataanaha dhosoqa marinta guudkooda
Maqaariga abeesada deliyo wegerka moohaaya
Maraaraale dhamiskiyo Shinnuur midabka yaaquud leh
Manka ubax dibowgay shinnidu miida ku abuurto
Muddaahda iyo guubalida iyo mooligu xiiska
Minyeelahiyo geed-gaalka iyo shayga midhihiisa
Moxorkoo luubaan laga gurtiyo mayddigiyo fooxa
Dhirta milixda wada yeelatee maalku ku hagaago
Mudo haddii la dhigo soorta aan midabku doorsoomin
Intaas oo manfac ah baa jirta oo waa la moog yahaye
Madaar iyo marsiyo laydh maliyo Baan macaamilo’e
Miishaarta qorigaa halkii meel la dhigay taalla
Waxay muhandisyadu soo direen riiggay madhiyaane
Waa miilo cagafay ilkuhu maqan yihiin qaare
Haddaad maanta noo timidse waa mahad Ilaahaye
Maansha Allee wax u dhammee way madowdahaye
Dhamaad



Comments

Popular posts from this blog

Soomaalidu Ma Leedahay Labbis u Gaara oo lagu Aqoonsado