Posts

SANAAG WAA GOBOLKII BILICDA DALKA:

Image
Gobolka Sanaag waa gobolka ugu baaxadda wayn dhul ahaan uguna khayraadka badan gobolada Jamhuuriyadda Somaliland. waa gobol ka kooban inta uu ka koobanyahay dhulku , Buuro sidaa Daalo, Surad ,Banaan sida Bancadde iyo karammaan, Dooxoyin, Durdurro aan gudhin sida gadmo biyo cas, sidoo kale waxay leedahay khayraaad aan laga helin deegaanada kale oo ah Geedka beeyada, iyo Geedka dhamasta ee laga sameeyo looxa guryaha lagu dhisto, intaa waxa uu dheer dhul ballaadhan oo ku fiican wax beerida oo ka soo baxdo khudrad , kaabbajka, baradhada, muuska, iyo dhamaan noocyda dalaga beeraha. Sidoo kale waxu can ku yahay dhaqashada xoolaha ,geela, adhiga siiba idaha, lo'da iyo fardaha. Sanaag waxay ka koobantahay 9degmo oo waawayn oo kala ah, Ceerigaabo, Badhan, Ceel afwayn , Gar_adag, Dhahar, Hadaaftimo, Laasqoray, Xiis ,Maydh. bulshada sanaag waa bulsho ay saamaysay baaxaadda dhulka waxna ku yar is dhex galka isu baahnanta sababto ah dadbadni waa rer buureed oo waligood uma...

Soomaalidu Ma Leedahay Labbis u Gaara oo lagu Aqoonsado

Badi ummadaha Ku nool dunida mid kasta waxay leedahay dhaqan iyo hab labis u gaara oo ay kaga duwan tahay bulshooyinka kale. Somaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka isku tilmaama inay leeyihiin dhaqan, hiddo, iyo hab labis u gaara oo lagu aqoonsado qofka sooomaliga ah marka u LA joogo dadka kale. Haa waa run oo way lahayd dhaqan ,hiddo u gaara , xeer dhaqameedyo ay isku maamulaan oo lakala dhaxlo. Intii aanay samaysmin magaalooyinku e noloshu ahayd mid Ku kooban miyiga dhaqanka somalida wuxu ahaa mid xooleh oo qofkasta dhinicisa ka ilaaliyo oo lakala dhaxyo hadal,hawraar ,iyo howlba sida loo qabto ahaate. Hab labbiska ama hu qaadashada soomalid dhexdeeda aya Ku kala duwanayd waxayna Ku xidhnayd hadba deegaanka u Ku noolyahay. Tusaale: gabadh waxay xidhanjirtay dhacle iyo saddex qayd midabkisu cadyahay halka ninkuna xidhanjiray Garays iyo Gunti cad ama midab kale ah. Markii LA soo galay magaaloyinka si dhakhso aya loo badalay hab labbiski baadiyaha ,dumarki waxay xidheen Dira...